Kulankii u socday Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxdii hore oo soo Gabagaboobay

Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo Gaba-gabeeyay kulankii u dhexeeyay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajio

Kulanka oo socday muddo Saddex Saacadooda ah ayaa waxaa Ajendaha ugu weyn ee looga hadlay kulanka uu ahaa Arrimaha doorashooyinka Dalka ee sanadka 2020-ka.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ah Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in kulankii Madaxdii hore iyo Madaxweyne Farmaajo uu soo dhamaaday, kaasi oo ka socday Xarunta Madaxtooyada.

Warbaahinta ayaa looga yeeray Guriga Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sh Axmed, isla markaana waxaa lagu wadaa in Goordhow Madaxda Madsha ay la hadlaan Warbaahinta.

Dhinaca kale ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyada oo ku aadan kulankii Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media