Guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa oo Guddoon cusub doortay

Guddiga madaxa bannaan ee la dagaallanka musuq maasuqa ee Soomaaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku doortay Guddoomiyaha iyo guddoomiye Ku Xigeen guddiga.

Doorasho furan oo si adag loogu tartamay, ayaa xubnaha guddiga madaxa bannaan ee la dagaallanka musuq maasuqa ee Soomaaaliya waxay cod aqlabiyad ah Guddoomiye ugu doorteen Avv. Maxamed Xuseen Xaamud, iyadoo Guddoomiye KuXigeenkana loo doortay Dr. Xasan Khaliif Xasan. Mudada xilheynta guddiga la doortay ayaa ah shan sano.

Codeynta ayaa dhacday iyadoo ay goobjoog ahaayeen kormeerayaal ka kala socday labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wakiilo ka socday Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo warbaahinta.

Doorashada guuddonka guddiga madaxa bannaan ee la dagaallanka musuq maasuqa ee Soomaaali waxay imaaneysaa toddobaad kaddib markii xubnaha guddiga la dhaariyey iyadoo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee  la dagaallanka Musuq maasuqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Avv. Maxamed Xuseen Xaamud uu sheegay in laga bilaabo maanta Guddigu si rasmi ah u hawlgali doonaan isla markaana ay bilaabi doonaan howlahooda si waafaqsan heerarka caalamiga ah ee la dagaalanka musuq maasuqa oo ah mid ka mid ah caqabadaha ugu adag ee hortaagan dowladnimada iyo dib u yagleelida hay’adaha dowladda federaalka ee Soomaaliyeed.

16kii Nofeembar 2020, Baarlamaanka Federaalka wuxuu si aqlabiyad leh ku ansixiyay magacaabista sagaalka xubnood ee Guddiga Madaxa-bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa. 30-kii Diseembar 2020, Madaxweynaha ayaa saxiixay Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor