Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan gaar ah la qaatay Sheekh Shariif

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa galabta kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed.

Sheekh Shariif iyo Guddoomiye Cumar Finish ayaa inta uu socday kulankooda uga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo Arrimaha ka jira Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaas kusi daraya in Madaxweynihii hore ee dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka ay ka arrinsadeen khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa iyo xiisada ka dhalatay muddo kordhinta Madaxweyne Farmaajo loo sameeyay, wallow dib looga laabtay.

Sheekh Shariif ayaa Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed Finish uga mahadceliyay booqashadii uu ugu tegay hoygiisa, isagoona Guddoomiyaha dhankiisa mahadceli u jeediyay Madaxweynihii hore ee dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor