• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, May 19, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Goormee Itoobiyaan Airlines Muqdisho ka bilaabaysaa duullimaadyo?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
November 1, 2018
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 5 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Shirkadda thiopian airlines waxay leedahay qaar ka mid ah dayaaradaha ugu casrisan caalamka, waxayna Mas’uuliyiinta shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines sheegeen dhawaan in 2da bishan Nofeembar oo ah maalinta Barri ah ay dib u billaabayaan duullimaadyo toos ah oo tagaya magaalada Muqdisho, iyadoo Tallaabadaas ay noqonaysa markii ugu horreysay, muddo ka badan 40 sano oo diyaarad ganacsi oo ay leedahay dowladda Ethiopia ay duullimaadyo toos ah ka dhex sameyso garoomada caalamiga ah ee magaalooyinka Addis Ababa iyo Muqdisho.

Diyaaraddan oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn qaaradda Afrika ayey howlaheedii duullimaad ee Soomaaliya hakad u galisay sababo la xiriira colaad labada dal dhex martay sannadihii 1970-meeyadii, kaasi oo ahaa Dagaal tobannaan sano ka hor ka dhex qarxay Itoobiya iyo Soomaaliya oo ilaa maanta ay saameyntiisa taagan tahay, ayaa diyaaradaha shirkaddaas ka hor istaagay inay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho.

Loolanka Shariikadaha Diyaaradaha ee Soomaaliya haddii aan fiirino, ayaa waxaa jira Shariikado badan ayaa hadda ka wado duulimaadyo Dalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah Shariikadda Turkish airline oo hadda isku xirta Soomaaliya iyo Dunida inteeda kale, iyadoo Turkish Airlines ay si joogto ah ugu duushay Somalia, waxayna dabooshay baahgida ay Dadka Soomaaliyeed u qabeen Duulimadyada noocaan oo kale ah. Waxaa kaloo jirta in Kenya Airways iyana loo ogolaaday inay Maraykanka u duusho.

Bal iminka aannu eegno Loollanka Shariikadaha diyaaradaha ee daneynaya Soomaaliya, Bayaan uu soo saaray agaasimaha guud ee shirkadda Ethiopian Airlines, Tewolde Gebre Mariam, ayaa lagu yiri “Duullimaadyadeennu waxay si dhakhso ah u noqon doonaan kuwo howlgala maalin kasta, waxayna taasi faa’iido u noqoneysaa isgaarsiinta dhinaca socdaalka ee labada waddan, waxayna Soomaaliya u sahleysaa duullimaadyada ku wajahan qeybaha kale ee caalamka”.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa hadda ah tan kaliya ee duullimaadyo caalami ah ka sameysa Soomaaliya, waxayna taasi keeneysaa inay lababada shirkadoo ay tartamaan, taasina waxaa faaiido u tahay Dadka Rakaabka ah, waayo waxaa laga filaa inay helaan qiimo ka jaban kan ay iminka ku raacaan.

Turkish Airlines ayaa Soomaaliya ku xiraysay dunida inteeda kale muddo 6 sano ah, balse arrintan ayaa u muuqata loollan ay diyaaradaha laga leeyahay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ugu jiraan inay ka faa’iideystaan ganacsiga duullimaadyada Soomaaliya ku xiraya caalamka kale, iyagoo sidoo kalena u daneynaya dadka Soomaaliyeed oo horay Waddamo kale u sii tagi jiray si ay u raacaan duullimaadyada caalamiga ah, sida Kenya iyo Dubaay ee Dalka Imaaraatka Carabta Midoobay.

Loolankani ayaa yimi kadib markii uu Dalka Soomaaliya bur-bursanaa muddo ku dhow 30 sano, islamarkaana ay meesha ka baxday Shariikaddii Diyaaradaha ee Somali airlines, iyadoo aysan wali cagaheeda isku taagin shirkadda Somali Airlines oo burburtay markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, inkastoo ay jiraan diyaarado maxalli ah oo sameeya duullimaadyo isaga kala goosha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya iyo Imaaraatka Carabta.

Duullimaadyada Ethiopia iyo Eritrea ayaa horrey u bilowday, iyadoo Bishii Juun ay shirkadda Ethiopian Airlines dib u billowday duullimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Asmara ee caasimadda Waddanka Eritrea, ka dib markii ay hakad ku jireen muddo ka badan 20 sano, waxaana jiray in Diyaaradda Itoobiya aysan wax dhaqdhaqaaq ah ka sameynin Eritrea , wixii ka dambeeyay dagaalkii dhex maray labada waddan iyo khilaafkii diblomaasiyadeed ee wakhtiga dheer soo jiitamayay.

 

Ethiopian Airlines ayaa ah shirkadda uu dakhliga ugu badan ka soo galo Afrika, sida laga soo xigtay guddi daraasadeeya arrimaha shirkadaha ganacsiga, waxaana suurtogal ah in Ethiopian Airlines ay qeyb ka qaadato fududaynta ganacsiga labada waddan, iyadoo Dakhligii shirkaddan uga soo xarooday howlihii ay sameysay sannadkii 2017/2018 ayaa lagu qiyaasay lacag dhan 2.7 bilyan oo doolar.

Tan iyo sannadkii 2013-kii shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa bahwadaag la noqotay shirkado kale oo laga leeyahay qaar ka mid ah waddamada qaaradda Afrika, kuwaasoo ay ka mid yihiin shirkadaha diyaaradaha ee Wadamada Malawi iyo Zambia.

Masuuliyiinta diyaaradda Itoobiya ayaa hadda ku howlan sidii ay u iibsan lahaayeen diyaarad cusub oo ka howlgasha dalka Mozambique, waxayna sidoo kale wada hadallo ku saabsan isla ganacsiyo noocaas ah kula jiraan dowladaha Chad, Djibouti, Equatorial Guinea iyo Guinea.

Duullimaadyada ay ku tegi doonto Muqdisho ayaa la filayaa inay wax weyn ka beddeli doonaan qiimaha tikidhada lagu tago dalalka Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, kuwaasoo ay rakaabku u arkayeen in ay aad qaali u yihiin.

SONNA.SO

Previous Post

DEG DEG:-Qarax Goordhow ka dhacay Muqdisho

Next Post

Sawirro:-Faah faahin qarax ka dhacay Magalada Muqdisho

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen
Wararka Idaacadda

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen

May 19, 2025
Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran
Warar

Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran

May 19, 2025
DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO
Warar

DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO

May 18, 2025
Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan

May 18, 2025
Dagaal Culus oo Maalintii Labaad Ka Socda Gobolka Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Maalintii Labaad Ka Socda Gobolka Shabeellaha Dhexe

May 18, 2025
Dhalinyaro Ku Biiri Lahaa Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Xerada Damaanyo
Warar

Dhalinyaro Ku Biiri Lahaa Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Xerada Damaanyo

May 18, 2025
Next Post

Sawirro:-Faah faahin qarax ka dhacay Magalada Muqdisho

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen

by Ilhaan
May 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya,...

Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament

Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament

by Liban
May 19, 2025
0

Mogadishu, Somalia – A highly sensitive and potentially divisive legal debate unfolded today in Somalia’s Federal Parliament as members of...

Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt

Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt

by Dalsan Editor
May 19, 2025
0

The Office of the Auditor General of Somalia  recently took part in an important African Union (AU) meeting in Lomé,...

NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations

NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations

by Dalsan Editor
May 19, 2025
0

The Director of the National Intelligence and Security Agency (NISA), Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe), accompanied by Member of Parliament Mohamed...

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen
Wararka Idaacadda

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament
English News

Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt
English News

Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations
English News

NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Prime Minister Hamza Rallies Somali Youth for National Defense and Democratic Participation
English News

Prime Minister Hamza Rallies Somali Youth for National Defense and Democratic Participation

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran
Warar

Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen
  • Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament
  • Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt
  • NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00