Kulan Maanta ay Magalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa marka hore waxa ay ku ansixiyeen  xeerka xayiraadda lacagaha oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, kaas oo qayb ka qaadanaya barnaamijka xukuummadda ee hufnaanta iyo daah-furnaanta.
Shirka waxaaa shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre,waxaana Golaha Wasiirada ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen xeerka xayiraadda lacagaha iyo Saddex Safiir oo ay Golaha Wasiirada horgeysay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya.
Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka hadlayay xeerka Maanta la ansixiyey ayaa sheegay inuu siweyn uga qeyb qaadanayo waxyaabo ay ka mid yihiin,sugida Amniga,qorshaha lagu ilaalinayo xeerka xayiraadda lacagaha,waxana la filayaa in loo gudbiyo baarlamaanka kadib markii ay ansixiyaana uu dhaqangalo.