Golaha Wasiirada Cusub ee Cali Guudlaawe oo la Ansixiyay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa u mahadceliyay  Mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha cusub ee Xukuumada Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Gudoonka iyo Mudanayaasha Baarlamaanka la wadaagay waxqabadka looga fadhiyo xukuumadiisa cusub waxa uuna sheegay in si deg deg looga howlgali doono arrimaha amniga, Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo baahinta adeegyada Bulsho.

Madaxweynaha ayaa balanqaaday in si dhow ay u wadashaqeyn doonaan Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiiirada waxa uuna codsaday in wasiirada lagula xisaabtamo waxqabadkooda shaqo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor