Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sheegay inuu ka murugaysan yahay khasaaraha dabkii ka kacay suuqa weyn ee magaalada Hargaysa ayaa Alle uga baryey in uu u booga dhayo dadkii ku waxyeeloobay dabkaas.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda hantidooda ku waayey masiibadan, isaga oo xusay xaaladda abaareed ee uu dalka ku jiro iyo duruufaha dhaqaalaha ee dunidu ay la tacaalayso.
“Waxaan murugada la qeybsanayaa walaalaha ganacsatada ah ee dabka ka kacay suuqa Hargaysa uu galaaftay hantidooda, waxaan fadliga bisha Ramadaan awgeed Alle uga baryayaa in uu ka siiyo beddel ka khayr badan hantida halkaas kaga gubatay” ayuu yiri Farmaajo
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay maalmahan barakaysan awgood ugu hiiliyaan walaalahooda dhibtu soo gaartay, lana garab istaagaan duco iyo taakuleyn inta ay karaan.
Dab khasaaro farabadan dhaliyey ayaa xalay ilaa iyo saaka ka ololaya Suuqa ugu weyn Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kaasi oo baabi’iyey goobo Ganacsi oo ku yaallay Suuqaas, waxaana ku baaba’ay in ka badan 25 goobo Ganacsi.
Gaadiidka dab demiska Somaliland iyo Gaadiid kale oo gurmad ahaan dowlad deegaanka Soomaalida ugu soo dirtay Somaliland ayaa ku howlan deminta dabkaas oo saacado badan qaatay demintiisa, waxaana socda gurmadyo kala duwan oo la sameeynayo.