Golaha ammaanka oo cambaareeyay weerarkii hotel Ambassador

War saxaafadeed ay soo saren golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in xubnaha golaha ay si xoogan u cambaareynayan weerarkii lagu qaaday maalintii Arbacada hotelka Ambassador ee Muqdisho.

Golaha waxa ay sheegen in argagixisada ay weli qatar weyn ku yihiin ammanka iyo nabadda caalamiga ah sida lagu sheegay warsaxafadeedkasi.

Al Shabab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka Hotel Ambassador oo ay ku dhinten ugu yaraan 24 ruux oo ay ku jiren laba xildhibaan,seddex ciidamada Gaashan ah,dad shacab ah iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay iney aad u adkeyneyso ammaanka magaalada Muqdisho iyada oo ka hor tagtay dhowr weerar iyo qaraxyo la doonayay in laga fuliyo Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor