Generaal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa mar kale waxaa uu ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulka Hirshabeelle iyo waxyaabaha sababay in uu ka tanaasulo kacdoonkiisii uu kaga soo hor jeeday Maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe Xuseen.
Generaal Xuud oo mar kale Muqdisho Warbaahinta kula hadlay ayaa jeediyay hadal uu kaga hadlay dhinacyo dhowr ah oo quseya xaaladaha Gobolka Hiiraan iyo arrimaha taagan.
Waxaa si gaar Ah uga hadlay Qaraxiii Khasaaraha badan dhaliyay ee dhawaan ka dhacay Baladweyne, waxaana uu sheegay in aan la isaga hari doonin, dadka shacabka ah ee lagu laynayo Magaalada Baladweyne.
Sidoo kale waxaa uu ka jawaabay warar dhawaanahaan la isla dhex-marayay oo ku aaddanaa in uu Muqdisho uu Maxbuus ku yahay, waxaana uu sheegay in wararkaasi ay yihiin wax kama jiraan, uuna u joogo wada hadalo markii hore uu u yimid Muqdisho.
Ugu dambeyn waxaa uu intaa ku daray in mowqifkiisii ku aaddanaa kacdoonka ka dhanka ah Maamulka Hirshabeelle uusan waxba iska beddalin, haddana ay diyaar u yihiin wada hadal iyo in xal lagu dhammeeyo is qab-qabsiga ka taagan labada dhinac.
Hadalka Xuud ayaa imaanaya, iyadoo Qarax dad badani ay ku naf waayeen uu dhawaan ka dhacay magaalada baladweyne, sidoo kalena Magaalada Baladweyne uu tagay madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle cali Guudlaawe Xuseen, kaasi oo in muddo ah caqabado badi ay ka haysteen sidii uu ku tagi lahaa Gobolka Hiiraan.