Ugu yaraan 8 Askari oo ka tirsan Boliska Kenya ayaa ku geeriyootay qarax miino oo xkadhacay Xarunta Konton oo ka tirsan Degmadda Wajeer ee W/bari ee dalkaasi.
Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in Gaari noociisu ahaa Land Cruiser o oay la socdeen13 Askari lala eegtay uu qaraxaasi abaarihii 4-tii habeenimo ee saqdii dhexe ee xalay.
8 Sarkaal ayaa la sheegay inay isla goobta uu ku geeriyoodeen, halka 2 kale dhawcmeen, iyadoo 3 kalena ay u gacan galeen Dagaalamayaasha Alshabaab ee qaraxaasi fuliyey.
Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino oo la hadlay Wakaalladda Wararka Reuters ayaa sheegay in gaari ay la socdeen ciiddan ilaalo ah uu qarax ku qabsaday meel ku dhow xuduudka Somalia, iyadoo dhowr ka mdi ah 11-ki iAskar ee la socotay gaariga ay geeriyoodeen.
Afhayeenka waxa uu tilmaamau inay weli sugayaan tirada rasmiga ee Askarta ay waxyeelladu soo gaartay.
Dhinaca kale, Afhayeenka Alshabaab ee Hawlgalladda Milliteri, Sheekh C/casiis Abu Muscab oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegay ms’uuliyadda 3 ka tirsan Boliska Kaydka Kenya oo habeenkii Jimcaha laga soo qafaashay Degmadda Wajeer ee W/bari Kenya, una dhow xuduudka Somalia.
Abu Muscab oo Khadka Telefoonka kula hadlay REUTERS waxa uu tilmaamay inay habeen hore qabsadeen Tuullo lagu magacaabo Konton oo ka tirsan Wajeer, isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen 3 Askari oo Kenyan ah.