Gantaalkii Shiinaha ee walaaca abuuray oo ugu dambayntii la burburiyey

Warbaahinta Shiinaha ayaa shaacisay in lagu guuleystay in la burburiyo gantaalkii Long March 5B Y2, kaasi oo maalmahan jahwareer xoogan ka dhaliyey Caalamka.

Gantaalka ayaa waxaa lagu burburiyey, xilli uu marayey Badda Carbeed (Arabian Sea), xagal ahaan 72.47° Bari, iyo 2.65° Waqooyi.

Wararku waxaaa ay sheegayaan inuu Gantaalku si rasmi ah ugu dhacay meel ku dhow Jesiirada Maldives ee ku dhex taallo Badweynta Hindiya.

Qeybo ka mid ah haraaga burburka Gantaalka Shiinaha ee Long March 5B Y2 waxa uu ku burburay K/Galbeed ee dalka Hindiya iyo dalka Sri Lanka.

Dhinaca kale, Milliteriga Mareykanka waxaa ay xaqiijiyeen burburka Gantaalkaasi,  balse ma aysan caddaynin halka uu ku dhacay, Gantaalkaasi oo dhererkiisu dhan yahay 30 mitir waxaa uu culayskiisu dhan yahay 21-ka tan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor