Kooxo ku Hubeysnaa Bustoolado  ayaa Caawa  Maqribkii waxa ay Suuqa Bakaaraha ku dileen Nin la sheegay in uu ahaa Ganacsato
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Isgoyska Suuqa Bakaaraha,waxana la sheegay in ninka la dilay uu ka Ganacsanayay waxyaabo ay ka mid yihiin Xabad sowdada,waxana lagu Magacaabi jiray Xuseen Kuulow Muxumed.
Qaar ka mid ah eheladiisa ayaa inoo xaqiijiyey dilka,waxa ayna sheegeen in uu ahaa Ganacsade basle ilaa iyo hadda aysan  ogeyn cida ka dambeysa dilkiisa.
Dadkii ka dambeeyey dilka ayaa Goobta ka baxsaday,waxana Ganacsadaha la dilay ee Xuseen Kuulow Muxumed,sidoo kale la sheegay in uu dhalay mid ka mid Wariyayaasha ka howlgalla Magaalada Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu ka dhacay dilka,balse kuma guuleysan in ay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyey dilkaas,waxana meydka Marxuumka goobta ka soo qaaday eheladiisa.