Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa kormeer ku tagay jiidda hore Ciidanka Xoogga ay ku sugan yihiin ee degaanada Galmudug, waxaana socdaalkiisa ku weheliyay Ku simaha Gudomiyaha Barlamanka Wasiiro,Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.
Degaanada uu booqday Madaxweyne ku xigeenku ayaa waxaa ay yihiin kuwo dhawaan ay Ciidanka Xooggu kala areegeen dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisu ay sahay gaarsiiyeen Ciidanka ku sugan furumaha hore.
Ciidanka ayuu la hadalay, waxana uu ugu baaqay in ay sii laba jibbaaraan howlgallada iyo dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, iyadoo degaanno dhowr ah oo ka tirsan Mamaulka Galmudug ay ku sugan yihiin Al-shabaab, waxana Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi uu Ciidanka ku boorriyay in ay dagaalka siiw adaan tan iyo inta degaanada galmudug laga saarayo Al-shabaab.