Guddoomiyaha xisbiga UCID ee mucaaradka ee xukuumadda Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in lasoo saari doono sharci dambi ka dhigaya in gudaha Somaliland lagu sito calanka Soomaaliya.
“Sharci baa lasoo saaraya, qofkii lagu arko in uu sito calanka Soomaaliya waa dambigeeda waa la qoraya, xeer baa laga soo saarayaâ€
Feysal Cali Waraabe oo ka hadlayay magaalada Boorama ayaa sidoo kale sheegay in lasoo saari doono xeer tallaabo looga qaadayo dadka jeedinaya hadallada colaada horseedi kara.
Degaanada Somaliland ayaa waxaa inta badan xabsiga la dhigaa shaqsiyaadka lagu arko, iyagoo ku labbisan Calanka Buluugga ah ee Soomaaliya, kaasi oo tiro dhowr jeer ah dad badan oo u dhashay Somaliland loogu gaystay jirdil, xarig iyo musaafurin.