• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, July 19, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(Falaanqeyn) Muxuu isku casilay Afhayeenka Xukuumadda Federalka Somalia ?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 23, 2015
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ridwaan Xaaji C/weli ayaa waxa uu shalay si rasmi ahaan isaga casilay xilkii Afhayeenka Xukuumadda Federalka Somalia.

Hadal qoraal oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxa uu ku sheegay inuu sababo isaga u gaar ah isaga casilay xilkaasi.

Ma cadda sababaha rasmiga ee uu isku casilay Ridwaan Xaaji C/weli oo isaga horey ula soo shaqeeyey Ra’isul-wasaraayaashii hore ee Dowladda Federalka Somalia (Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo C/weli Sheekh Axmed Maxamed).

Hadal-haynta ugu weyn ee la isla dhex marayo ayaa waxay sheegayaan inuu Afhayeenku isku casilay, kadib, markii uu qoonsaday iyadoo uu Ra’isul-wasaare Omar Abdirashid Ali Sharma’arke ka gaabsaday inuu ku wehliyo safaradda uu ugu ambabaxo dalalka dibedda.

Dhacdo kale oo iyadana lagu sababayn karo Is-casilaadda Afhayeenkii Xukuumadda Federalka ayaa ah iyadoo uu Ra’isul-wasaare Sharma’arke bartamihii bishan June La-taliyahiisa dhinaca Warfaafinta u magacaabay Garaad Salaad oo isagu horey u ahaa Agaasimaha Warfaahinta ee Xafiiska Raisul  wasaaraha,  lana soo shaqeeyay dhowr Ra’isul-wasaare.

Magacaabistaasi ayaa u muuqata inuu Afhayeen Ridwaan  ka diday, maadaama uu isagu si wadar ahaan u wada hayey Xilalka Afhayeenka Xukuumadda Federalka iyo La-taliyaha Ra’isul-wasaaraha ee dhinaca Saxaafadda.

Xeeldheerayaasha ayaa waxay iyagu ishaarayaan inuu isku casilay Afhayeenkii Xukuumadda Federalka, maadaama uu dareemay in hawlihii uu idmanaa lala soo farageliyey.

Xubno ku dhow Xukuumadda ayaa rumeysan in Borotokool ahaan shaqada uu hayey tahay Afhayeenka is-casilay mid dhaqan dowladnimo ahaan hoos tagta Wasiirka Warfaafinta, ahna  Afhayeenka Guud ee Xukuumadda Federalka Somalia.

Is-casilaadaasi ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo ay jiraan dhowr Afhayeen oo  u kala hadla Wasaaraddo ka tirsan kuwa Xukuumadda Federalka, kuwaasi oo ay Bulshadda ku jahwareersan yihiin isbarbar yaacooda.

Si kastaba ha ahaatee, Ridwaan Xaaji C/weli oo isagu ah Saxafi  caan ah, kana soo hawlgalay Warbaahino Maxali iyo kuwo Calaami ah ayaa waxa uu Xilka Afhayeenka Xukuumadda Federalka hayey tan iyo bishii June 23-dii ee sannadkii 2013-kii.

WQ: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

 

Previous Post

PRESIDENT OBAMA HOLDS TRADITIONAL WHITE HOUSE IFTAR DINNER

Next Post

Dhageyso: Dhageyso: Barnaamijka Tartan Aqooneedka Degmooyinka Ee Radio Dalsan 23-06-2015

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood
Warar

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood

July 19, 2025
Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland
Warar

Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

July 19, 2025
Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose
Warar

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

July 19, 2025
Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Next Post

Dhageyso: Dhageyso: Barnaamijka Tartan Aqooneedka Degmooyinka Ee Radio Dalsan 23-06-2015

Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation

Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation

by Liban
July 19, 2025
0

Muqdisho - In a diplomatic move signaling deeper regional ties, Somalia’s Prime Minister Hamsa Abdi Barre welcomed Ambassador Abdalla Al-Otaibi, the Arab League’s...

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood

by Ilhaan
July 19, 2025
0

Magaalada Laascaanood ayaa maanta si rasmi ah martigelineysa wejiga xiga ee Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo la shaaciyay magacyada 301...

Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

by Ilhaan
July 19, 2025
0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Raascaseyr ayaa xaqiijinaya in markab siday shixnad hub oo culus lagu qabtay xeebaha Puntland, gaar...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

by Ilhaan
July 19, 2025
0

Ciidamada gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si guul leh u fuliyay howlgal qorsheysan oo...

Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation
English News

Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood
Warar

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland
Warar

Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose
Warar

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland Intercepts Turkish-Marked Arms Ship off Bari Coast, Raising Alarms Over Somalia’s Military Coordination
English News

Puntland Intercepts Turkish-Marked Arms Ship off Bari Coast, Raising Alarms Over Somalia’s Military Coordination

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Fresh Push for SSC-Khaatumo Administration as Delegates Gather in Lasanod Amid Political Tensions with Puntland
English News

Fresh Push for SSC-Khaatumo Administration as Delegates Gather in Lasanod Amid Political Tensions with Puntland

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation
  • Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood
  • Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland
  • Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00