Maqaalkan waxaan ku falanqeynayaa aragtideyda ku aadan doorashada Guddoomiye Jawaare iyo waxa ay ka dhigantahay, sababaha sida aqlabiyada leh loogu doortay iyo siyaasadaha ku xeeran tartanka doorashada Baarlamaanka Soomaaliya.
Ugu horeyn Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waa rug-cadaa siyaasada ku soo jirey muddo dheer oo marka loo fiiriyo 3da musharaxiin ee kale, waxuu ahaa shaqsi aad uga khibrad dheer, uga waayo aragsan, 4tii sano ee la soo dhaafayna si wanaagsan u maareeyey Baarlamaanka Soomaaliya. Haddaba xildhibaanadu ma sidaas fudud oo sahlan bey u qiimeeyeen, mise waxaa jirey arrimo siyaasadeed kale ee ku xeeraansanaa doorashada? Waxaan shaki ku jirin inay jireen marxalado kale oo is biirsaday oo sahlay in Jawaari loo arko inuu yahay shaqsiga mudan.
Cabdirashiid Xidig oo helay 97 cod ayaa iyadana ka mid ah arrimaha siyaasadeed ee muuqatay oo ka tarjumeysa in 97 xildhibaan ay qabeen fikir ah in is-bedel lagu sameeyo nidaamka awood qeybsiga beelaha. Xidhibaanadan ayaa moodaa inay mar un doonayaan inay arkaan beelaha Soomaaliyeed oo u wada tartami kara jagooyinka qaarkood, iyagoo ka soo horjeeday heshiiska aan muuqan oo keenay in Guddoomiye Baarlamaan ay noqdaan hal beel kaliya. Madaxweynaha Koofur Galbeed Mudane Sharif Xasan Sheekh Aden ayaa in muddo ah u ololeynayey inuu arko isbedel ku yimaada nidaamkan, isagoo isu soo sharaxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Istraatjiyadan waxey suurtogal noqon kartay in dhammaan xildhibaanada Digil & Mirifle aysan isa soo sharaxin, isla markaasna la helo xildhibaano kale oo sharaxan. Hase yeeshee mar haddii tani dhici weydey aad bey u muuqatay in la kala dooranayo musharaxiinta Digil & Mirifle, walow dadaalka Xidig uu ahaa mid muuqday oo uu 97 cod helay.
Sidoo kale sida ay 97 xildhibaan ugu midoobeen inay Xidig u doortaan ayaa waxaa jiray culeys weyn oo xildhibaanada beelahooda daneynayey inay xilka Madaxweyne u soo istaagaan ay iyagana ku dadaalayeen inaan wax laga bedelin nidaamka awood qeybsiga, tanoo keentay inay si wadajir ah u arkaan in dantooda ay ku jirto inay musharax ka mid ah Digil & Mirifle wada taageeraan. Tan ayaa keentay in 3dii musharax ee Digil & Mirifle intii loo kala codeyn lahaa la is tusay in Jawaari la wada siiyo codka si loo hubiyo inuusan Xidig soo bixin.
Iyadoo arrimahaas siyaasadeed jireen ayaa haddana su’aasha la isweydiin karo ayaa ah maxaa keenay in Jawaari laga doorbido musharaxiinta kale ee Digil & Mirifle? Labo sabab ayaa ugu weyn oo keenay arrinkan, oo tan hore ay tahay Hormuudka isbedelka awood-qeybsiga jagooyinka sar-sare, waa Shariif Xasan Sheekh Aden oo xoogiisa isagu geeyey Qorshaha 1aad (Plan A) oo keliya kaas oo ahaa in Xidig la taageero, oo uu diiday Qorshe 2aad (Plan B), kaas oo noqon karay in shaqsi D&M ah lagu midoobo. Waa dhab oo mar haddii uu aqbali lahaa plan B waxaa muuqatay inaysan macquul aheyn in Xidig uu heli lahaa codadkaas badan. Tan labaad ayaa aheyd Musharaxiinta xilka Madaxweyne oo u arkayey isbedel ku yimaada nidaamka awood qeybsiga aan qorneyn ay keeni karto inay saameyn toos ah iyo mid dadban keeni karto. Tusaale, waxaa adkaan lahaa in musharaxiinta qaar la oran lahaa Beeshaada Guddoomiye bey heleen. Tan arrinkan ka sii weyn ayaa aheyd mar haddii uu Xidig ku guuleysan lahaa xilka Guddoomiyenimo inay sahli laheyd in Musharax D&M ah loogu wada shubi lahaa doorashada xilka Madaxweyne si xildhibaanadu ay u tusaan bulshada in beelo gaar ah oo keliya aysan xaq u laheyn. Waxaa midoobi lahaa xildhibaanada ka careysan in Xidig noqdo Guddoomiye iyo xildhibaanada is oran karay mar haddii Beeshu aysan noqon karin Madaxweyne aan halkaasna isbedel ka sameyno.
Arrimahaas siyaasadeed ee ku xeernaa arrimaha doorashada marka laga soo tago, haddaba doorashada Jawaari maxey ka dhigan tahay?
Doorashada Jawaari waxey ka dhigan tahay in Soomaalidu ay maanta diyaar u tahay in shaqsi lagu xulan karo karti, aqoon, khibrad, waayo aragnimo iyo aqoonsanaan in shaqsiga waxqabadka sameeyo lagu sii dhiirigeliyo joogteynta iyo horusocodka hormarka socday. Waa markii ugu horreysey oo Soomaali ay marlabaad doorato Guddoomiye Baarlamaan oo xilka sii hayey [walow ay dhacday in Shariif Xasan uu muddo dhextaal ka dib loo doortay xilkaas 2010kii marlabaad]. Dhanka kale waxaa muuqata in Beesha caalamku ay si xoog leh u taageersanaayeen in Jawaari uu dib u soo laabto si howlaha socday loo sii dar-dargeliyo. Waxaana muuqda horumar uu baarlamaankii 9aad ku tallaabsaday, haddana doorashada Jawaari ay keeneyso in Baarlamaanka uu sii labo-laabo dadaalkiisa. Soomaaliya waxaa hadda u dhisan Hay’ad Baarlamaan oo leh xafiisyo, howlwadeeno, khubaro, La-taliyeyaal oo og in Guddoomiyaha uu sii joogayo oo aysan ka cabsi qaban inay howlahooda sii wadan karaan iyo in kale.
Ugu danbeyntii, doorashada Jawaari waxey ka dhigan tahay in lagu tartamo waxqabad, horumar iyo isla xisaabtan noo horseeda in dalka laga hirgeliyo doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah sanadka 2020ka.
WQ. Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)