Maamulka Puntland oo Go’aamo cusub kasoo saaray amniga Mudug

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ahna Guddoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur(sanyare) ayaa shir gudoomiyey Shirka Gudiga Amniga Gobolka.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay amniga Gobolka iyo sidii loo dardar-gelin lahaa howlaha sugida amniga, waxaana kulankaas ka qeyb galay Taliyaha qaybta Booliska, Taliyaha Ciidanka Daraawishta Gobolada Mudug iyo Cayn, Gudoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Darajada 1-aad iyo Duqa Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur(sanyare) ayaa faray laamaha amniga Gobolka inay laba jibaaraan shaqooyinka nabadgalyada, isla markaana laga hortego wax kasta oo keeni amni darro dhacda.

Kulanka ayaa laga soo saaray go’aamo ay kamid yihiin la-daagalanka Al-shabaab iyo Maandooriyaha, isla markaana waxaa la mamuucay dadka Magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland ku dhex wareejiya Ganacsiga yar-yar.

Ugu dambeyn dadka degan Gaalkacyo ayaa waxaa la faray in ay qayb ka qaataan iftiiminta iyo xirista luq luqyada xaafadaha, iyagoona laga dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaar dhaca.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor