Dowladihii talada dalka isaga dambeeyey waxay aad u sahashadeen Khatarta ka imaan karta Damaaciga Dowladda Kenya ee ku aadan Is-ballaarinta iyo sheegashada Xuduudaha Berriga iyo Badda Somalia.
Derbiga laga dhisayo Xuduudka, sheegashadda xuduud-baddeedka Somalia iyo Tacadiyadda kale ee ay Askarta Kenya ku hayaan dadka Soomaalida ayaana loo aanaynaya waxa Dowladda Kenya ku dhiiri-gelinayo inay Dagaal dhinaca Shidaalka la galaan Somalia, waana hubaal inay taasi abuuri karto caqabado kale oo aan laga si ifekerin.
Xeeldheerayaasha ayaa waxay rumeysan yihiin in Go’aankii ay Dowladda Kenya xalay ku shaacisay inay Somalia u aragto Waddan caddow ku ah Somalia muujinayso caddowtooyadda tooska iyo midka dadban ee ay Dowladda Kenya kaga soo horjeedo Dib-u-tisqaadka Awoodda Dowladnimo ee dalkeenna.
Markaynu eegno Xiriirka Diplomaasiyadeed ee ay Dowladda Kenya ku dhawaaqday inay u jartay Somalia waxa uu caqabad ku noqon doonaa Kenya, iyadoo la og yahay inay faa’ido ku qabaan Xiriirka Diplomaasiyadeed, midka dhaqaale iyo bulsho ee ay la leeyihiin Somalia oo aan isku dheeli-tirnayn.
Waxaa la og yahay in Qaadka iyo badeecadaha kale ee ay Ganacsatadda Kenyanka u soo iib geyaan dalka Somalia inuu faa’ido u yahay dhankooda, iyadoo la og yahay in Malaayiin Dollar oo Kaash ay maalin kasta ka helaan Qaadka ay u soo diraan Goballadda Somalia.
Haddaba marka taxliil lagu sameeyo maxaa ka jira Sheegashadda Kenya ee ah inay Somalia xaraashayso baloogyadda Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ee ku jira Xuduud-baddeedkooda.
Khubarada Xuduudaha ayaa rumeysan in dulmiga Dowladda Kenya iyo xad-gudubka intaasi la eg uga dan leedahay inay ku xalaalaysato xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay ee ay dacwadooda ka furan tahay Makamadda Caddaaladda ee ICJ oo ku taalla magaalladda Hayg ee dalka Holland.
Dowladda Kenya oo aan horeyba ugu qanacsanayn inay DFS dacwadaasi u gudbiso Maxkamadda iCJ ayaa waxay hadda ku fekeraysaa inay carqalladayso Go’aanka kama dambeysta oo ay Maxkamadda ICJ ku dhawaaqi doonto.
Diplomaasiyiinta ayaa iyagana dareen xooggan ka muujinaya Go’aanka degdegga ee ay Dowladda Kenya ugu dhawaaqday Xaallad Dagaal iyo inay Somalia ku tilmaamto Dal Caddow ku ah Kenya.
Qaabka ay Kenya hadalka u dhigtay ayaa u muuqata mid ay ku doonayso inay Xiisad cusub kaga abuurto Mandiqadda Geeska Afrika, taasi oo saamayn xooggan ku yeelan karta Deganaanshaha Guud ee dalalka deriska.
Marka aynu docda kale ka eegno, Go’aanka Dowladda Kenya waxa uu u muuqda mid ay ku mideysan yihiin, balse, marka loo kuurgalo Siyaasiyiinta Muxaafadka iyo kuwa Mucaaradka Somalia waxay ku kala qeybsan yihiin Aragtiyaha ku aadan Hanjabaadda Siyaasadeed ee Kenya.
Haddaba, DFS, Xisbiyadda Siyaasadda, Siyaasiyiinta Muxaafidka iyo kwua Mucaaradka waxaa la gudboon inay meel iska dhigaan Khilaafkooda gudaha, isla markaana ay u midoobaan sidii la isaga difaaci lahaa Tallaabadda ay Dowladda Kenya ku sheeganayso xuduudaha badda iyo berriga Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan Maxaa laga dhaxli doonaa qorshaha boobka iyo faragelinta ee ay Dowladda Kenya ku hayaan Kheyraadka iyo Arrimaha Daakhiliga ee dalkeenna Somalia.?