Inkastoo ay Xukuumadda Federalka Somalia dhaliilo kala kulmayso Ergooyinka ka qeyb galayo Shirweynaha ka socda Degmadda Cadaado ee lagu doonayo in lagu yegleelo  Dowlad-gobaleedka Bartamaha Somalia ayaa waxaa haatan socda Kulamo lagu turxaan bixinayo caqabadaha iyo cabashadaha hareeeyey taabagelinta Shirkaasi.
Ra’isul-wasaare Omar Abirashiid Ali Sharma’arke ayaa ah Mas’uulka ugu sarreeya ee Xukuumadda Federalka uga wakiilka ah Wada-xaajoodka Shirweynahaasi, wuxuuna bilaabay La-tashiyo lagu doonayo in si hoose lagu dhaqo eedeymaha, isjiidjiidka iyo isbaarooyinka Siyaasadeed ee sida dadban u ragaadiyey geeddi-socodka Shirkaasi.
Shirkii Dib-u-heshiisiinta Beelaha ee ka dhacay magaallo-madaxda Gobalka Galgaduud ee Dhuusa-ma-reeb oo la hadal-hayey inuu bud-dhig u noqon karo Dhismaha Dowlad-gobaleedka Bartamaha Somalia ayaa waxaa loo aanaynayaa sababaha uu jiitamayo Shirka Cadaado.
Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha wada deggan Goballadda Dhexe ayaana Aragti ahaan ku kala duwan yihiin Geeddiga Shirka Cadaado, waxayna Beelaha qaarkooda ka cawdaan Guddiga Farsamadda, iyagoo rumeysan in la hayb-sooco, lagana tixgelinin abaabulka Shirkaasi.
Ra’isul-wasaare Sharma’arke ayaana looga fadhiyaa inuu xeer-toosiyo caqabadaha taagan iyo inuu galangal badan u galo sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa Ergooyinka Beelaha ee kala didsan iyo sidii loo mideyn lahaa Aragtida ku aadan Dhismaha Dowlad-gobaleedka Bartamaha Somalia.
Xeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Ra’isul-wasaare Sharma’arke si fudud uga gudbi karin caqabadaha maleegan iyo damacyadda siyaasadeysan iyo hanka Beelaha ood-wadaagta ah, waayo waxaan hawl fudud ahayn dhismaha Maamul-gobaleedyadda.
Guddiga Farsamadda ee Shirka Cadaado oo dhaliil iyo ammaan kala kulmayo Ergooyinka Shirka ayaa waxa looga fadhiyaa inaysan ku fashilmin Hawlaha loo idmaday, isla markaana aysan ku hodmin xeelladaha ay ku fashilmi karaan.
Sidoo kale, Musharixiinta Madaxtinimadda ee ku loolamaya Hoggaaminta Dowlad-gobaleedka Bartamaha Somalia ayaa waxaa la hadal-hayaa inay ku jiraan diyaar-garowgii ugu dambeeyey, waxayna Musharixiinta hanti badan ku kharaj gareeyeen Xafladaha Musharxnimadooda.
Musharxiin Rug-caddaa ah oo  horey u soo qabtay Xilal Qaran ayaana loolan adag u geli doona Mansabka loo baratamayo ee Madaxtinimadda Bartamaha Somalia.
Ma kala cadda inay Musharixiinta adeegsan doonaan dabeecadda Siyaasadda Dufanaysan ee lacag ku bedelo Codka “cash for voteâ€, iyadoo la rumeysan yahay inay Musharixiin badan adeegsadeen xeelladaasi, kuna kasbadeen in si aqlabiyad leh loogu codeeyo.
Sharci-yaqaanadda ku sugan Madasha Shirka Cadaado, ayaa rumeysan in loo baahan yahay in la mamnuuco Cod-bixinta Dufanaysan, isla markaana Musharaxiinta laga wacyi-geliyo dhibaatadda laga dhaxli karo cod-bixinta la musuqmaasuqo.
Markayni eegno Shirka Cadaado, lama filan karo in muddo hal isbuuc ah looga farxalan karo Ajendayaasha Shirka Cadaado, gaar ahaan Diyaarinta Dastuurka, xulashadda Mudanayaasha Barlamaan-gableedka iyo doorashadda Madaxweynaha Maamulka cusub ee Bartamaha Somalia.
WQ: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed