Tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Dowladda Federalka soo bandhigtay Nidaamka Doorashooyinka, waxaa majaraha lala galay Aamusnaan Siyaasadeed, waxaana shiiqay Xusul-duubkii Madaxda Dowlad-gobaleedyadda ee carcarka u qabay Wada-tashigii ku aadanaa Nidaamka Doorashadda, Dhismaha Dowladda soo socota iyo Ajendaha Siyaasadeed ee sannadaha 2016-ka ilaa 2020-ka.
Waa hubaal in Go’aanka Dowladda Federalka ku saxsanayd inay ku dhawaaqdo Go’aanka Nidaamka Doorashadda, kadib, markii lagu wada guul-daraystay Wada-xaajoodkii Dowladda iyo Maamul-gobaleedyadda, isla markaana quus laga istaagay in Talo mideysan laga gaaro Nidaamka Doorashadda.
Shaxda ay Dowladda Federalka soo agaasintay oo ay Beesha Caalamka ayideen waxa uu meesha ka tuuray Aragti Kala-duwanaanshihii Madaxda Qaranka iyo kuwa Goballadda, waxaana iminka la shaaciyey Tubta Hiigsiga Nidaamka Doorashadda iyo Dhismaha Labada Aqal ee Barlamaanka.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inkastoo ay Dowladda Federalka dejisay Jadwalka Shaqo ee Nidaamka Doorashadda, haddana waxa dib-u-eegis u baahan Nidaamka Tirooyinka Kuraasta Barlamaanka loo qoondeeyey, waxaana jirta inaan Saami-qeybsiga lagu soo darin Gobalka Banaadir iyo Dowlad-gobaleedka Khaatumo oo sedkooda ay kala jiiteen Somaliland iyo Puntland.
Sidoo kale, Dowladda Federalka ayaa u baahan inay dhamaystirto dhamaan Arrimaha Lafdhabarka u ah Qabsoomidda Doorashadda qabsoomi doonta bisha September ee soo socota.
Dowladda Federalka waxaa kaloo laga filayaa in la dardar geliyo Dhamaystirka Axdi-qarameedka, Dhismaha Maxkamadda Dastuurka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka, taasi oo haddii aan iminka loo gogol-xaarin keeni karta in lagu soo baraarugo Xilli ay Xeero iyo Fandhaalo kala dhaceen.
Dowladda Federalka waxaa horyaala in la dedjiyo Dhismaha Dowlad-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiran, ka hor inta aan loo ambabixin dabayaaqadda bishan Shirka ka dhici doona dalka Turkiga.
Dowladda Federalka waxaa kaloo laga sugayaa inay Sharci u dejiyaan Xisbiyadda Siyaasadda ee waayadan cabashadda ka muujinaya inaysan Dowladda aqoonsan la’dahay.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inaysan Xisbiyadda Siyaasadda ee u badan kuwa Mucaaradka ku ah Dowladda sannadkan ka qeyb geli karin Doorashadda, maadaama Nidaamka Doorashadda ee Asaasiga u ah Doorashadda 2016-ka ee la dejiyey, lagu jaangooyey Dowlad-gobaleedyadda.
Koritaanka Dimuqraadiyadda waa sida Jaranjaradda oo kale, waxaana loo baahan yahay in marka hore lala qabsado Saan-qaadka Doorashadda, Nidaamka Maamul-gobaleedyadda, Maamul-wadaagga Federalka, kadibna loo sii xuubsiibto Asxaabta Siyaasadda ee aan u dhisnayn Nidaam Qabiil ama aysan Xisbiyaddu noqonin Qas-wadayaal wax burburin kara.
Qoddobka kale ee ay Dowladda Federalka ka gaabinayso sidii ay Madaxda Maamul-gobaleedyadda weli saluugsan Nidaamka Doorashadda loo shaafin lahaa, loona tusin lahaa inaan cidna looga maarmi karin Geeddiga Doorashooyinka iyo Fulinta Himiladda Qaranka.
Anbaqaadka Qorshaha Dowladda ee Nidaamka Doorashadda waxa asaas u ah in la ballaariyo Hawlgalladda Nabadaynta, si Degmooyinka iyo Goballadda loo gogol-xaaraa inay yihiin Dad fursad u heli doona Nidaamka Doorashadda.
Xuquuqda Muwaadiniinta ayaana qeyb ka ah in Codkooda ka dhiibtaan Doorashooyinka Qaranka, iyadoo Waajib Dastuuri ku yahay Dowladda inay culayska saaraan Taabagelinta Nabadda Goballadda Somalia.
Xeeldheerayaasha Siyaasadda iyo kuwa Milliteriga ayaana rumeysan inay Dowladda Federalka laga sugayo inay Cod dheer ugu sheegaan Dowladaha IGAD iyo  Beesha Caalamka in loo baahan yahay inay boorka ka jafaan Hawgalka AMISOM, maadaama ay jiraan caqabado, Isfaham La’aan, Wada Shaqayn la’aan iyo Dhaqaale xumo soo food saartay inta badan Ciiddanka AMISOM.
Waana hubaal inay AMISOM hawl wanaagsan qabteen 9-ka sanno ee ay dalka joogaan, haddana waxaan indhaha laga qabsan karin Fashilka Dagaalka ee ay sannadkan la kowsadeen, gaar ahaan Ciiddanka Kenya oo ay arrintooda tahay mid aan la jaan-qaadi karin Talada Taliska AMISOM.
©Radio Dalsan   Â