• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, July 7, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

FAALLO: Dhismaha Xukuumadda Cusub oo laga dareemayo Muuqaal Qaran-deeq ah.

Bilan Media by Bilan Media
March 21, 2017
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

RW Xasan Cali Kheyre oo ay Mudanayaasha BFS bishan March 1-dii siiyeen Codkooda Kalsoonida ayaa waxa uu maanta ku dhawaaqay Golihiisa Wasiiradda oo ka kooban 26-Wasiir, 26-Wasiir-xigeen iyo  15 wasiiro-dowlo.

Wasiiradda cusub ayaa isugu jira kuwo xilal hore ka soo qabtay Xukuumadihii hore iyo kuwo ku cusub Masraxa Siyaasadda iyo Maamulka Dowladnimo.

Xildhibaano, Suxufi, Guddoomiye Gobal, Ganacsato, Mas’uuliyiin hore iyo Diplomaasiyiin hore ayaa iyagana ka mid noqday Golaha Wasiiradda, iyadoo Danjirihii Somalia ee Kenya, Jamaal Maxamed Xasan haatan loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga.

 

Sidoo kale,. Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ahaan jirey Saxafi ee haatan hayey xilka Danjiraha Somalia ee QM ayaa Xukuumadda cusub ka noqday Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia.

C/rashiid Maxamed C/llaahi oo ahaa Guddoomiye hore ee Gobalka Bay iyo Sarkaal Hawlaha Samafalka ayaa waxaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga ee Somalia.

Golaha Wasiiradda ee maanta la magacaabay waxaa kaloo xubno ka ah Wasiiro Rug-cadda ah, kuwaasi oo laga markhaati yahay Waxqabadkooda Hufan.

Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan “Eng. Yariisow” waa Mas’uul xilal badan oo Qaran soo qabtay, wuxuuna soo noqday Wasiirkii Warfaafinta, Lacagta, La-taliye Madaxweyne iyo Madaxii Xafiiska Ra’isul-wasaarihii DKMG,  Nuur Xuseen Xasan “Nuur Cadde”.

Waxaa kale  oo Wasiiradda caanka ah ka mid ah C/raxmaan Ducaale Bayle oo mar soo noqday Wasiirkii Arrimaha Dibedda, haatan loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda cusub.

Khadiija Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadii hore, waxaa loo maagacaabay Wasiirka Dhallinyarada iyo Sport-ga.

Sidoo kale, Drs. Maryam Qaasim oo mar soo qabtay Xilalka Wasiirka W/barashada iyo Caafimaadka, waxaana haatan loo magacaabay  Wasiirka Arrimaha Samafalka iyo Maaraynta Masiibooyinka.

Marka doc kasta laga eego Qaab-dhismeedka Xukuumadda cusub waxaa laga dareemi karaa inay leedahay Astaan Xukuumad Qaran-deeq ah, waa laga yaabaa inay jiraan Siyaasiyiin ka caraysan saamiga ay Beelahooda ka heleen Golaha Wasiiradda.

Golahan cusub waxaa ku jira 6  Wasiir oo wada haysta Shahaadada Jamaacadeed, oo u badan PHD degree, 19 xubnood oo Xildhibaan ama Wasiiro hore usoo noqday iyo 6 Wasiir oo wada Haween ah.

©Radio Dalsan

 

 

Previous Post

Akhriso: Liiska Golaha Wasiirada Cusub

Next Post

Syria: Diyaarad Drones oo ay lahaayeen Milliteriga Yuhuudda oo la soo riday

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

July 7, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Next Post

Syria: Diyaarad Drones oo ay lahaayeen Milliteriga Yuhuudda oo la soo riday

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

by Ilhaan
July 7, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta booqasho dhiirigelin iyo dhiirrigelin qaran ah ku tegay...

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

by Ilhaan
July 7, 2025
0

Xaaladda degmada Moqokori iyo deegaannada hoos taga ayaa saaka aad u kacsan kadib dagaallo culus oo billowday waaberigii hore ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

by Ilhaan
July 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay kulan rasmi ah...

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

by Gesey Liban
July 6, 2025
0

MOGADISHU – In a bold move to confront the growing risks posed by the misuse of social media in Somalia, the...

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

July 7, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation
English News

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions
English News

HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
English News

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
  • Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan
  • Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira
  • Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00