Laba qarax oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa waxay barqanimadii maanta ka dhaceen Saldhigga AMISOM ku leeyihiin agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in rag ka tirsan Alshabaab fuliyeen Isqarxinta loo adeegsaday labada gaari oo mid ka mid ahaa nooca Xamuulka ee Dyna.
Qaraxa Koowaad ayaa waxaa lala beegsaday Albaabadda weyn ee laga galo Saldhigga AMISOM, iyadoo uu qaraxa kalena ka dhacay meel ku dhow Bar Kontorool oo ay Ciiddanka Dowladda ku leeyihiin agagaarka Garoonka.
Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane aya sheegay inay ugu yaraan 13 qof ku geeriyoodeen Labada Isqarxin ee loo adeegsaday gaadiidka miineysan.
Isagoo la hadlayey Weriye ka tirsan Telefishinka Aljazeera ayuu tilmaamay in 9 ka tirsan Ciiddanka Ammaanka ee Hay’addaha QM iyo 3 qof oo rayid ah ku geeriyoodeen Qaraxyadda Mataanaha.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay in 5 qof oo rayid ah ku dhaawacmeen qaraxyadaais, inkasta oo uusan sheegay waxa uu ahaa qofka 13-aad ee ku geeriyooday qaraxyadaasi.
©Radio Dalsan