C/llaahi Axmed Jamaac Faarax oo haysta Dhalashadda Danisshka,balse haatan deggan magaalladda Manchester ee dalka Britain ayaa lagu soo oogay inuu dhowr qof u fududeeyey inay u safraan Somalia iyo Syria, si ay ugu biiraan Alshabaab iyo Daacish.
Maxkamadda Old Bailey ee magaalladda London ayaa ku soo oogtay Eedeysanaha ayaa ku heshay inuu saaxiibkiisa oo lagu magacaabo Nuur Xasan taageero ka siiyey sidii uu ugu dhoofi lahaa dalka Syria, uguna biiri lahaa Jihaadistayaasha la safan Kooxda Daacish.
Eedeysanaha waxaa kaloo lagu soo oogay inuu Telefoonka kula xiriiray afar ka mid ah Saaxiibadiisa ku sugan dalka Syria, iyadoo la rumeysan yhay in labo ka mid saaxiibadiisa lagu dilay ama lagu dhaawacay gudaha dalka Syria.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inay ilmo adeer yihiin Sahra Xalane iyo Salma Xalane, kuwaasi oo labo sanno ka dhoofay dalka Britain, kuna biireen Kooxda Daacishta ka dagaalanta dalka Syria.
Dhinca kale, Eedeysane C/llaahi Axmed Jamaac Faarax waxa uu beeniyey dacwadaha lagu soo oogay, wuxuuna Qareenkiisa tilmaamay in sababaha uu C/llaahi Axmed Jamaac Faarax ula xiriiray saaxiibadiisa ahayd isagoo ka welwelsanaa xaalladiisa.
©Radio Dalsan