Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaaro dhaliyay oo Caawa Maqribkii ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Maka-Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa la sheegy in uu ku qarxay agagaarka Hotel Ambasador mel aan sidaasi uga fogeen Hotelka Ambasador ee Magaalada Muqdisho.
Khasaaraha ka dhashay qaraxaas ayaa waxaa la sheegay in ay ku geeriyooden ilaa 4 ruux halka 5 kalena ay ku dhaawacmen kuwaas oo ahaa dad Shacab ah oo Goobta ka agdhawaa.
Ilaa iyo hada lama cadeyn cid sirasmi ah qaraxaas loola beegsanayay,waxaana Goobta haatan ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya Gaar ahaan kuwa xasilinta kuwaas oo xiray Wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan goobtii uu qaraxa ka dhacay.
Sidoo kale qaraxaaan ayaa waxa uu sababay burburka Goobo Ganacsi oo ku yaala Hareeraha Laamiga,Goobta uu qaraxa ka dhacay.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa haatan goobta ku sugan kuwaas oo la filayo in ay faah faahin guud ka bixiyaan qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay