Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka tacsiyeeyay geeridii Taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne Marxuum Lxle Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage).
Madaxweynaha ayaa sheegay inaan la aqbali karin shaqaaqadii maanta ka dhacday Saldhiga Magaalada, waxa uuna faray Taliska Ciidanka Booliska Hirshabeelle inay soo cadeeyaan falka uu ku dhintay Taliyihii Saldhiga Magaalada Beledweyne.
Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa u tacsiyeeyay qoyska qaraabada iyo guud ahaan Ciidanka Booliska ee uu ka baxay marxuumka, waxa uuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo.
Taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne Lxle Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage) ayaa ku dhintay dagaal saakay Ciidamo ka tirsan Booliska sida gaarka u tababaran iyo kuwa Booliska Maamulka ku dhexmaray Saldhhiga Booliska Magaaladaas.
Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, sida ay dad la hadlay Idaacadda Dalsan u sheegeen, kadib markii Saldhiga Booliska Beledweyne lagu xiray Boqolaal ruux oo lagu soo qabtay Howlgalo xalay ilaa saaka laga sameeyey Xaafada Buunda-weyn.