Wararka laga helayo Xeebaha Barri ee Puntland ayaa sheegaya in dagaal uu dhexmaray ciidamada badda maamulka Puntland iyo koox ka mid ah kuwa gacanta ku haya Markab shidaal oo ay ku heestaan Xeebta Degmada Caluula ee Gobolka Bari.
Deegaan Xeebeeka Xaabo oo dhaca gobolka Barri ayaa la sheegay in Ciidamada Puntland iyo Kooxaha hubeysan ee loo maleynayo inay yihiin Burcad badeeda ku dagaalameen.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyay in Ciidamada ay doonayeen inay u dhaqaa-qaan dhanka xeebta Markabka lagu heesto, hasa’ahaatee waxaa daagaal kala horyimid  kooxaha dulsaaran Markabka.
Maamulka Puntland wali kama uusan hadlin, hadii ciidankooda ay weerarkaasi ku qaadeen kooxaha Markabka qafaashay iyo inkale.