Waxaa socda gurmad xoogan hadane aan Awoodin inuu daboolo baahida ay sababtay abaarta iyo macluusha ka jirta qeybo ka mid ah Dalka, waxaana dadka ay saameysay abaarta ay helaan Deeq kaga timaada walaalaha soomaaliyeed ee wax heysta iyaga oo u soo marsiiya gudiyada Abaaraha dalka.
Guddiga gurmadka abaaraha maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya ayaa deeq lacageed oo dhan 8500-dollar waxaa ay ku wareejiyeen maamulka shabeellaha Hoose, si loo gaarsiiyo dadka soo maciin biday nolosha magaalooyinka qaar ee gobolkaasi
Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahin aadan Najax ayaa u mahadceliyey guddiga waxaana uu sheegay in maanta gurmad ay gaarsiiyeen dadkii ka soo cararay abaarta gobolada Baay iyo Bakool ee soo gaaray magaalada Afgooye ee Shabeelaha Hoose
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.