Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo xalay koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku dhaawacay Madaxii hawl-gelinta ciidanka Isku dhafka ah ee Gobolkaas.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Gaashaanlle dhexe Khaliif Nuur Shiil la dhaawacay xili uu ka soo baxay Salaadii Taraawiixda oo uu kusoo tukaday Masjid ku yaalla Koonfurta Gaalkacyo.
Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in dhowr rasaas ah lagu furay Sarkaalka,isla markaana uu soo gaaray dhaawac culus,waxaana loo qaaday Isbitaalka weyn ee Gaalkacyo,halkaasi oo haatan lagu dabiibayo xaaladiisa Caafimaad.
Kooxihii ka dambeeyay falkaasi ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday,waxaana halkaasi durbo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada,iyagoona ka sameeyay howlgalo lagu raadinayo ragii fuliyay falka.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka Mudug oo ku aadan dhaawacii xalay loo geystay Gaashaanlle dhexe Khaliif Nuur Shiil oo ah Madaxii hawl-gelinta ciidanka Isku-dhafka ah ee Gobolka Mudug.