Saxafiyad lagu dilay Afganistan

Sarkaal u hadlay Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay inay dabley hubyesna toogteen Saxafiyad  lagu magacaabi jirey Mina Mangal oo ahayd Saxafiyad iyo La-taliyaha dhinaca Dhaqanka ee Barlamaanka Afganistan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalkaasi, Nasrat Raxiimi ayaa sheegay in Saxafiyadda la dilay, xilli ay ku sii jeeday Xafiiskeeda, mana kala cadda ujeedada rasmiga ee loo dilay.

Boliska magaalladda Kabul waxay sheegeen inaysan kala caddayn inuu dilkeedu ahaa weerar Argagixiso iyo inuu ahaa mid ka dhashay muran taagnaa.

Qoraal ay isbuucii hore soo dhigtay Baraha Bulshadda waxay Mina Mangal ku sheegtay inay heshay Farriimo cabsi-gelin dil ah, balse, lama aysan wadaagin Ciiddanka iyo Qoyskeeda faahfaahinta hanjabadaasi.

Dhinaca kale, Kooxaha Daacish iyo Daalibaan midnaba ma sheeganin dilka Saxafiyadaasi oo horey uga shaqeyn jirtey Telefishin.

Dalka Afganistan waxa uu ka mid yahay Waddamada dilalka ugu badan loogu geysto suxxufiyiinta, waxaana sannadkii hore lagu dilay 15 Suxufiyiin iyo Shaqaale Warbaahineed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media