Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maanta fal dhaawac loo geystay mid kamid Ganacsatada kunool Magaaladaas.
Dad ku sugan Baladweyne ayaa Dalsan waxaa ay u sheegeen in Ganacsadaha xiligii la dhaawacayay uu watay Mooto Bajaaj isaga uu lahaa, waxaana falkaas uu ka dhacay xili uu mararay agagaarka Buundada liqliiqato.
Ganacsadaha oo magacaabiisa lagu soo gaabiyay Saalax ayaa la tilmaamay inuu rasaas ku furay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda, kaasi oo falka kadib goobta ka baxsaday.
Sidoo kale dad shacab ah oo halkaas ka Agdhawaa ayaa dhaawaca Saalax kasoo qaaday goobta, isla markaana waxaa la dhigay isbitaal ku yaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiraan.
Ilaa iyo hada lama oga waxyaabaha keenay in rasaas lagu furo Ganacsade Saalax oo kamid ahaa Ganacsatada kunool Baladweyne, waxaana laamaha amniga Baladweyne ay wadaan howlgalo kala duwan oo ay kusoo qabanayan Askarigii falkaas geystay.