DAAWO:-Darawal Gaari ku qaadi jiray Arday Jaamacadeed oo lagu dilay Muqdisho  

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Ciidamo ka tirsan dowladda oo duhurnimadii Maanta si bareer Magaalada Muqdisho ugu diray mid kamid ah Darawalada gaadiidka dadweynaha racaan ee Hoomey-da.

Dilkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay agagaarka Isbitaalka Xooga, waxaana Saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda ay Darawalka weeydiisteen inuu gaarigiisa si xoog ah ugu qaado, hayeeshee Darawalka uu diiday, sidaasina lagu toogtay.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed deeq Ibraahim ahaana Aabbe xooggiisa ugu xamaali jiray caruurtiisa iyo xubno kale oo qoyskiisa ah.

Sidoo kale Marxuumka ayaa gelinka hore ee subaxdii waxaa uu Gaariga ku qaadi jiray Arday waxkabarata mid kamid ah Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Ciidankii ka dambeeyay dilka Marxuum Maxamed deeqa ayaa goobta uu falka ka dhacay ka baxsaday, waxaana intaas dib halkaas gaaray qaar kamid ah Ehelada Marxuumka, isla markaana soo qaaday Meydkiisa.

Hoos ka DAAWO Warbixin Telefashinka Dalsan uu ka diyaariyay dilka Marxuum Maxamed Deeq, waxaana soo jeedinaya Maxamed Cabdi Xasan Iidle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media