Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa waxaa Guddoomiye Cusub loogu Magacaabay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Cumar Sheekh Cabdi ayaa loo Magacaabey inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Baraawe ee Shabeellaha Hoose, isagoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas oo xilka qaadis lagu sameeyay.
Sidoo kale Wareegtada Magacaabista ayaa waxaa lagu sheegay in baahi loo qabo in Guddoomiye Cusub ee yeelato Degmada Baraawe.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista ah.