Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saakay waaberigii hore uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed.
Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa waxaa la sheegay in muddooyinkii dambe ay isku heysteen dhul ku yaalla Nawaaxiga Xabsiga Dhexe ee Magaalada Gaalkacyo,isla markaana uu ka dhexeeyay Khilaaf xoogan.
Dadka deegaanka ayaa waxaa sheegeen in dagaalkan la isku adeegsaday hubka nooyadiisa kala duwan,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.
Ugu yaraan labada ruux oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii dagaalamay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen,halka tirro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen dagaalkii saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan waxa ay tahay mid degan,inkastoo weli labada dhinac ay is hor fadhiyaan, lagana cabsi qabo in ay markale dagaalamaan.
Sidoo kale waxaa mararka qaar la maqlayaa rasaas rasaas goos goos ah oo ka dhaceyso Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.