Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Baay

Wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ka heleyso deegaanka Goof-gaduud Buurey ee Gobolka Baay  ayaa waxa ay sheegayaan in qarax khasaaro geystay uu ka dhacay halkaasi.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Suuq lagu iibiyo Xoolaha nool ee ku yaalla deegaanka Goof-gaduud Buurey,isla markaana uu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso.

Dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in qarax uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ahaa oo xiliga qaraxa uu ka dhacayay ku sugnaa Suuqa.

Weli si dhab ah looga Khasaaraha ka dhashay qaraxii barqanimadii Maanta ka dhacay deegaanka Goof-gaduud Buurey oo 30-KM u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Sidoo kale dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa dhaawacyadooda loo qaayay Isbitaalada ku yaalla Baydhabo,isla markaana haatan xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media