Dagaalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose,kaasi oo dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu yimid kadib markii dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimo Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka Qoryooley,isla markaana halkaas uu ka dhacay dagaal muddo laba saacadood ah socday.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay u sheegeen in dagalka uu ahaa mid culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyagoo uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalkaas oo soo kala gaaray labada dhinac.
Hayeeshee Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda oo ku sugan degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in weerarkii Al-shabaab ay kusoo qaadeen ay iska difaaceen,isla markaana ay gaarsiiyeen khasaaro,inkastoo uusan jirin warar madax banaan oo xaqiijina.
Weli si rasmi looma oga Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac eee ka dhashay dagaalkaas,waxaana saakay deegano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ka socdo dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan halkaas.
Inta badan xiliyadii habeenkii ah ayaa Al-shabaab waxa ay weeraro kala duwan ku soo qaadaan fariisimaha Ciidamada dowlada iyo AMISOM ay ku leeyhiin Gobolada dalka,waxaana ka dhashay khasaarooyin kala duwan.