Ugu yaraan 2 qof ayaa geeriyootay, 5 kalena wey dhaawacmeen, kadib, markii ay Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga maanta duqeyn ka geysteen Gobalka Xajah ee W/galbeed ee dalkaASI.
Sarkaal ka tirsan Golaha Deegaanka ayaa sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday guri ku yaalla xaafadda Dhahar Bani Xsaan ee Degmadda Abis, isla markaana lagu dilay 2 nin, laguna dhaawacay 5 kale oo ay ku jireen carruur iyo haween.
Dadka ay waxyeelladdu soo gaartay ayaa la sheegay inay isku qoys ahaayeen.
Isbahaysiga Sacuudiga weli kama aysan hadlin duqeyntaasi oo ah tii 2-aad ee isbuuc gudihiisa lagu dilay dad rayid ah.
Dagaalladda ka socda dalka Yemen waxay galeen sannadkoodii 5-aad, iyadoo lagu ilay tobanaan kun oo qof, halka 3 million oo kalena ku barakaceen.