Xalay fiidkii ayaa kooxo hubeysan waxa ay deegaanka Carbiska ku dileen Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,iyaga dilka kadib goobta ka baxsaday sida ay Dalsan u sheegeen dadka deegaanka.
Askarta la dilay oo gaarayay ilaa laba Askari ayaa ka tirsanaa ciidamada Milateriga,iyaga oo xiliga la dilayay fadhiyey Goob Maqaaxi ah oo shaaxa laga cabo sida qof ka mid ah dadka deegaanka uu Dalsan u sheegay.
รขโฌลRuntii anaga oo meesha joogno ayaan maqalnay rasaas wan kala cararnay kadibna waxaa la dilay laba Askari oo aan naqaanay oo waligeyn nala joogi jiray,wlh raggi dilay weey baxsadeen,labada Askari waxaa lakala dhihi jiray Maxamed Cali Baashi iyo Cabdi Dhagool,goobta ayay ku dhinteyn ayuu yiriรขโฌย
Goobtii uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya wallow asyan ku guuleysan in ay gacanta ku dhiagan dadkii ka dambeeyey dilkaas.