Waxaa haatan socdo loolan loogu jiro shaqsigii noqon lahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee bedeli lahaa guddoomiyihii is casilay ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Waxaa jira tiro musharixiin ah oo u taagan qabashada xilka guddoomiyenimo ee Golaha Shacabka,kuwaas oo kulamo gooni gooni ah la yeelanaya xildhibaannada,waxana soo baxayay warar sheegayay in Xildhibaannadii mooshinka ka gudbiyey Jawaari ay wataan musharax gaar ah.
Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaanadii mooshinka horay uga gudbiyey Jawaari ayaa sheegay in marnaba aysan ku fikirin ay ay musharax gaar ah keensadaan,waxa uuna beeniyey in ay jiraan xiligaan musharax gaar ah oo ay wataan.
Waxa uu sheegay in ay suurtagal tahay in musharax gaar ah la isla fahmo,balse waqtigaan uusan jirin wax u qorsheysan oo ku aadan in ay wataan musharax ay la doonayaan guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay hadalheyn ku aadan in musharixiin gaar ah ay kala wataan xildhibaanada iyo Madaxtooyada wallow sidhab ah aan loo wada cadeyn.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil.