Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Fariisin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya ku leeyihiin Suuqa Xoolaha ee degmadaasi Mahadaay waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo socday o u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda.
Weerarkaan oo dhacay saakay aroortii ayaa masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada waxa ay sheegeen in ay iska difaaceen Al-Shabaabkii soo weeraray oo aad u yaraa,isla markaana labada dhinac uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in weerarkaas ay ku dileen tiro ka mid ah Al-Shabaab halka dhankooda uu hal Askari kaga dhintay dagaalkaas.
Mudadii uu dagaalka dhacayay ayaa waxaa xoogaa hakad galay Ganacsigii suuqa xoolaha degmada Mahadaay,wallow markii dambe uu sicaadi ah ku soo labtay.
Maamulka degmada Mahadaay weli kama uusan hadlin dagaalkaas,balse waxaa wararku ay sheegayaan in jawiga mahadaay uu yhay mid degan kadib weerarkii saakay aroortii ay ku soo qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Shabaab.