Ciidamada ammaanka dowladda soomaaliya, ayaa sheegay in ay banaanka hore ee Maqaayadda Banaadir, oo caawa weerarka uu ka dhacay ay ka heleen meydka labo qof oo dumar ah.
Sidoo kale ciidamada ammaanka dowladda waxaa ay sheegeen in ay gudaha dhismaha ay kasoo badbaadiyeen ku dhowaad 20 ruux.
Warar kale oo soo baxaya waxaa ay shegayaan in raga weerarka qaaday ay ahaayeen tira ahaan Seddex qof.
Al Shabab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka.
Wali waxaa gudaha maqaayada ka dhex dagaalama Al Shabab.
Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.