Ergeyga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha iyo wafdi la socday oo gaaray Buulo-burte

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha dalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa Maanta gaaray degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Safarka ayaa waxaa Ergey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku wehlinayay xubno ka socday hay’adda cuntada Adduunka ee WFP iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha, waxaana Garoonka ku soo dhaweeyay Maamulka Buulo-burte.

Ujeedka wafdigaan ayaa waxaa uu yahay u kuur gelidda xaaladda Abaaraha iyo nolosha qoysaska abaaruhu ay saameeyeen ee kunool gudaha degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubnaha hay’adda cuntada Adduunka ee WFP ayaa Maamulka degmada ka xog-wareysanaya xaaladda dadka.

Degmada Buulo-burte ayaa ah degmo ay Al-shabaab sanado badan Go’doomiyeen, waxaana degmadaas ay Mas’uuliyiinta ku tegaan diyaarad, sidoo kalena waxaa kunool qoysas danyar ah oo saameyn ay ku yeelatay Abaaraha baahsan ee dalka ka jira.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor