Shirkadda Diyaaradaha ee YEMENIA ayaa maanta shaacisay inay Isbahaysiga Sacuudiga xireen Hawada Yemen, lana mamnuucay inay Diyaaradaha ka soo degaan ama ka dhoofaan Guud ahaan Garoomadda Diyaaradaha ku yaalla Yemen.
Isbahaysiga Sacuudiga oo maamula Duullimaadka Hawada ee Yemen ayaa u diiday Shirkadda Diyaaradaha YEMENIA fasax ay kaga dhoofi karaan Garoomadda Diyaaradaha ee magaallooyinka Cadan iyo Sayuum oo ay Isbahaysiga Sacuudiga maamulaan.
Hadal ka soo baxay Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga hoggaamiyo ayaa lagu sheegay inay xireen dhamaan Xuduudaha Cirka, Dhulka iyo Badda ee dalka Yemen.
Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii ay Milliteriga Sacuudiga Hawada ku burburiyeen Gantaal ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta doonayeen inay ku duqeeyeena Garoonka Diyaaradaha ee Boqor Khaalid oo ku yaalla caasimadda Sacuudiga ee Riyaad.