Waxaa Maanta Xarunta Aqalka Sare ee M/Muqdisho kulan ku yeeshay Madaxda Dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulankaan oo ahaa kii 15,aad kala-fadhigiisa 2,aad ayaa  waxaa shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed Bukhaari waxaana khudbado ka jeediyay dhamaan Madaxda Maamul Goboleedyada ka qeyb galaya.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf o ka mid ahaa Masuuliyiintii Khudbadaha jeediyay ayaa inta badan waxa uu eedeyn u jeediyay Bahda Saxaafada isaga oo kula dardarmay in wax walba ay si wanagsan u tebiyaan.
Axmed Maxamed Islaam Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa isna dhankiisa sheegay in uu ku faraxsan yahay la kulanka Xubnaha Aqalka Sare isaga oo sheegaya in deegaanadii laga soo doortay hadii ay diyaar yihiin lagu casuumi doono.
Welina waxaa socda Khudbadaha ay jeedinayaan Madaxda kale ee Dowlad Goboleedyada.