Xukunkaan ayaa waxaa ridday Maxkamada Galmudug ee Maamulka Galmudug,waxaana dadka la xukumay ay gaarayaan ilaa Saddex Nin kuwaas oo u dhashay dalka Yaman.
Dadkaan la xukumay ayaa Maxkamadu ku eedeysay in ay sisharcdaro ah uga kalumeysanayeen Xeebaha deegaanada Maamulka Galmudug.
Ragga la xukumay oo la soo qabtay 2,dii Bishii Octoper ayaa kala ahaa Maxamed Saalim Cali, Cabdalla Saalim Cabdalla iyo C/raxmaan Cali Saciid , waxana lagu xukumay midkiiba mid laba Sano oo xabsi ah iyo Ganaax lacageed oo dhan laba kun oo Dollar.
Maxkamada ayaa sidoo kale Xukuntay in lacag dhan 50 oo Dollar uu bixiyo Ninkii lahaa doontaas oo Magaciisa lagu soo gaabiyay  Cali Mataan.
Kaaliyaha Maxkamada Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug  Maxamed Jaamac Diirshe ayaa Warbaahinta u akhriyay Xukunka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xukunka.