Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa si kulul u Cabaareeyay dilkii saakay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska  Soomaaliya u geytay Darawal Mooto Bajaajle ahaa iyo wiil dhalinyaro ah oo la socday.
Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Askari ka dambeeyay dilkaas ay ku raadjoogaan Hay’adaha amniga dowladda,isla markaana gacanta lagu ay kusoo dhigi doonaan.
Guddoomiye Yariisow ayaa sidoo kale ka hadlay Banaanbax rabshado wata oo ka socda Igoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir,kaasi oo dhigayaan dad u badan dhalinyarada Mooto Bajaajta,waxaana uu ugu baaqay inay illaaliyaan nidaamka oo dadka ku dhexdhuumanaya ee rabshadaha wada ee iska fogeeyaan.
Ugu dambeyn Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa uga tacsiyadeynayaa qoyskii ay ka geeriyoodeen labada marxuum ee saakay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu u dilay Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.