Dowladda Denmark ayaa ku dhawaaqday inay Somalia ugu deeqday Qaaraan Lacageed oo dhan 140-million ee Lacagta Koromka ee Denmark (DKK) oo u dhiganta 21 million oo Dollar.
Kaalmadaasi ayaa lagu dhawaaqay, xilli ay Wafdi ka socda DFS ay Madaxda Bangiga Adduunka shir kula leeyihiin magaalladda Washington.
Danjraha Denmark u joogta Somalia, Mette Knudsen ayaa sheegtay in Kaalmadaasi Lacageed loogu talagalay in lagu kobciyo Dhaqaalaha Somalia, laguna yareeyo Saboolnimadda.
Waxay kaloo sheegtay inay Taageeradda qeyb ka tahay Barnaamijka Taageeradda Somalia ee MPF ee Barnaamijka Taageeradda Denmark ee Somalia ee sannadaha 2019-ka ilaa 2023-ka.
Danjraha Denmark u joogta Somalia, Mette Knudsen waxay intaasi ku dartay inay Somalia horey ugu deeqeen in ka badan 100 million ee Lacagta Denmark ee DKK muddadii u dhexeysay sannaihii 2015-kii ilaa 2018-kii.
Dhinaca kale, Madaxa Xafiis Gobaleedka Bangiga Adduunka ugu qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Malawi iyo Burundi, Beela Bird waxay sheegtay inay Dowladda Denmark lafdhabar u tahay Dowladaha taageera Bangiga Adduunka iyo Somalia, isla markaana deeqdan cusub loo adeegsan doono dardar gelinta xiriirka DFS iyo Hay’addaha Khaaska loo leeyahay iyo horumarinta ilaha ee Shirkadaha Gaarka.