Xubno ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa oo uu hogaaminayo Commissioner Khadar Axmed Diiriye kuna wehliyo safarka commissioner Abdullahi Abukar ayaa u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti si ay uga qeyb galaan Shirweynaha 8-aad ee Caalamiga ah oo ay soo qaban qaabiyeen Madasha Afrika ee Ladagaalanka Musuq-maasuqa, iyo Hay’adaha Isku-dhafka ah (FIGE), Xafiiska ladagaalanka musuqa ee EU iyo Xafiiska Kormeeraha Guud ee Jamhuuriyadda Jabuuti kaas oo looga hadli doono “Dowlad-wanaagga iyo waxqabadka hay’adaha dowliga ah iyo ladagaalankamusuqa”.
Shirkan oo ka dhici doona Caasimadda Djibouti inta udhaxeysa 7–9 bisha Juun ayaa waxaa kasoo qeyb gali doona wufuud caalami ah oo ka kala socota Dalalka Ururka Hay’adaha isku-dhafka ah ee (FIGE), Madaxda Guddiyada La-dagaalanka Musuq-Maasuqa ee Bariga Afrika, Galbeedka iyo Bartamaha Afrika iyo Khubaro kale oo Caalami ah, shirkaan ayaa waxaa daah furaya Madaxweynaha Djabuuti Ismail Omar Geelle.
Soomaaliya ayaa ah markii ugu horeysay oo ay xubin ka noqotay Ururka FIGE kana qeyb gasho shirweynahaan.