Itoobiya oo xaqiijisay In askar looga dilay Weerarkii Gobolka Baay

Hadal-qoraal oo  ka soo baxay Wasaaradda Difaac ee Ethiopia ayey ku xaqiijiyeen inay Al-shabaab weerareen Kolonyo Ciiddanka Ethiopia oo marayey Degmadda Buur-hakabo, kuna sii jeeday Magaalladda Baydhabo.

Qoraalka waxa lagu beeniyey hadal ay Al-shabaab ku sheegeen inay  dhowr Askar Ethiopian ah ku dileen Weerarkaasi, inkastoo Baraha Al-shabaab lagu soo bandhigay Gaari Ural oo ay lahaayeen Ciiddanka Ethiopia oo la gubay.

Hadal-qoraal kale oo ay AMISOM soo saareen ayey ku sheegeen in weerarkaasi oo dhacay Jimcihii la soo dhaafay  lagu dhaawacay 3 ka tirsan Ciiddanka AMISOM, laguna dilay dhowr ka tirsan Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale, Dowladda Ethiopia waxay ku hanjabtay inay Duullaan ballaran ku qaadi doonaan Dagaalamayaasha Alshabaab, balse lama sheegin nooca uu noqon doono Hawlgalkaasi.

Dabayaaqadii bishii October ee saannadkii, Alshabaab waxay sheegteen inay 30 Askar Ethiopian ah ku dileen gudaha somalia.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media