Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa qadka Telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Lubnan Xasan Diab.
Mahdi Guuleed ayaa Ra’iisul Wasaaraha Lubnan uga tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday qaraxyadii aad u xooganaa ee shalay ka dhacay Magaalada Beyruut ee Caasimadda dalkaas, waxaana kuwa ku dhaawacmay uu u rajeeyay Caafimaad Deg deg ah.
Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda ay Lubnan la qeyb sanayaan dhibaatada kasoo gaatay qaraxyadii musiibada ahaa ee dhacay.
Magaalada Beyruut ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay qaraxyo waaweyn oo Caasimadda dalkaas ruxay, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad farabadan, iyadoo halkaas ay ku geeriyoodeen in ka badan 70 qof, halka ay ku dhaawacmeen 3,750 qof.
Sidoo kale waxaa gabi ahaan burburay dhismooyin farabadan oo ku yaallay goobta ay qaraxyada ka dhaceen, sida lagu arkayay muuqaal laga soo duubay halkaas, isla markaana lagu faafiyay baraha Bulshada.