Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo Magaalada Baydhabo ka daah-furay shirka wadatashiga ee Madaxda KGS, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa khudbad ka jeediyay shirkaas.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa marka hore waxaa uu sheegay inay soo dhaweynayan qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb-3 ee go’aanka looga gaaray doorashada dalka ka dhaceysa, isagoona xusay in shirka ka furmay Baydhabo uu iyaga gaar u yahay.
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in muhiim tahay in la dhageysto tabashooyinka ay qabaan Madaxweyneyaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee ka maqnaa shirkii Dhuusamareeb-3, lana heshiiyo.
Sidoo kale Lafta-gareen ayaa tilmaamay in shirkooda gaarka ah markii uu dhammaado ay u soo ambabixi doonaan Magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka maalinta berri ah ka furmaya Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa waxaa uu sheegay in shir looga hadlayo Arrimaha amniga ay bisha soo socota yeelan doonaan Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.